Waa maxay mammography?
Haatan, kansarka naasaha waxaa loo daaweyn karaa si guul la taaban karo leh. Cilmi baarsta Swedish-ka waxay ku horumartay daaweynta kansarka naasaha. Natiijooyinka daaweyntu si weyn ayay u horumartay ayadoo la isku dhafay dadaalo iyo ilo laga helay dawooyin, qalliin iyo wax ku daweynta shucaaca. Markii durba la ogaado kansarka naasaha waxay arintaasi ka dhigi kartaa daaweynta mid sahlan isla markaana sidii hore ka wax tar badan.
Baaritaanka mammography, ama mammogram, waa sawir raajo oo laga qaado naasaha. Mammogram waxaa laga qaadaa:
• Haweenka mareysa baaritaan caafimaad, ama baaritaanka.
• Dumarka ayaga laftoodu ogaaday dareen aan caadi ahayn/buro ama calaamado cudur oo naasahooda dushooda ah. Waa in dhaqtar uu soo gudbiyo.
• Haweenka mara baaritaanada sanadlaha ah qalliino kadib.
Baaritaanka Mammography
Maanta, haweenka da, la go,an markii ay ay gaaraan waxaa lamariyaa baaritaanka mammography. Dowlad hoosaad walba waxay go,aan ka gaartaa da,da haweenka laga doonayo in ay maraan baaritaankaas. Guddiga Qaran ee Caafimaadka iyo daryeelka guud ayaa waxa uu ku taliyey in dowladda hoose ay u sameyso baaritaanka mammography dumarka inta ay da’dooda u dhaxeysa 40-74 sanno iyadoo loo dhaxeysiiyo 18 bilood haddii ay da’dooda ka hoseyso 55 sanno. Dhinaca sannad ayaa loo dhaxeysiinayaa 2 sanno haddii da’dooda ka weyntahay 55 sanno. Gobolka Västra Götaland, maamulka yaa waxa uu go’aansaday in uu baaritaanka u dhaxeysiiyo 21 bilood guud ahaan, da’a walba oo ay ahadaanba. Avesina, waxay baaritaanka mammography u sameysaa dowladaha hoose ee Göteborg, Skaraborg , Uppsala iyo Karlskrona.
Sidee baa loo sameeyaa baaritaankan?
Marka la sameenayo baaritaankan Mammography waxa la qaadaya oo qofka lagu sameeya, laba raajato waxana laga saarayaa oo la sawirayaa laba xaglood oo naaska ah. Waxa muddo dhowr il biriqsi ah dhinacyada looga soo riixayaha naasaha labada saxan oo kuwa lagu qaado raajatada ah. In lagu isku riixo naasaha waa tallabo laga ma maarmaan ah, si markaa loo helo sawiro muuqaalkooda uu wannagsanyahay. Dhanmaan howshan waxay qaadanaysaa dhowr daqiiqadood, waxaan howsha qabanaya shaqaale loo tababaray baaritaanka mammography.
Film-ka ama sawirka raajada waxa ka darsaya dhakhtar ku takhasusay cilmiga mammograohy.Gobollka Avesina, dhamaan sawirada mammograhy waxa qiimeeya laba dhakhtar oo gebi ahaanba madax banaan kuna takhasusay howshan. Taani waxa la yiraahdaa akhrin laba jeer ah waxayna sara u qaadaysaa hubinta iyo saxnaanshaha aqrinta.
Mararka qarkood sawir raajata ah ayaa waxa uu u baahnayaa in mar kale dib loo qaado. Haddi dakhtarka ku takhasusay howshan uu u baahnayhaya sawiro dheeraad ah, ama haddii is badel ama arrin geyru ceedi ah laga ogaado naaska, waa lagu soo wargelinayaa waana lagu wacayaa si aad lagaaga qaado sawiro dheeri ah oo baaritanka mammography-ga ahiyo weliba baaritaano kale. Haddi ay dhacdo in mar kale dib laguu woco, micnaheeda mar walba ma ah in aad qabto kansarka ku dhaca naasaha. Ka dib baaritaanka, jawaabta waxa si toos ah laguugu soo dirayaa cinwaankaada, halka aad ku nooshahay 2 ilaa 3 todobaad gudahood.
Faaiidooyinka iyo khasaarooyinka baaritaanka
• Baaritaanka mammography oo joogto h wuxuu in badan suurto galin karaa in durba la ogaado kansarka naasaha oo loo ogaado si ka dhaqso badan sida aad adiga laftaadu dareemi karto. Nolosha halis kuma aha kansarka naasaha oo durba la dareemay. Baaritaano caafimaad ayaa waxay muujiyeen in geerida ka timaada kansarka naasaha lagu dhimi doono 30-45% baaritaanka mammography.
• Ma jiro baaritaan lagu ogaado jiritaanka kansarka naasaha oo 100% sax ah, mammography kama duwana baaritaanada kale. Mararka qaarkood sawirka mammography geyru caadinimadiisa waxaa loo arki karaa mid shaki leh, laakiin markii la sii baaro ma soo baxayso in kansar uu jiro. Arintani waa natiijada 2 baarintaan 100 baaritaan oo nooca mammogram ahba. Sharci ahaa, sawirada dheeraadka ah ee mammography-ga oo kaliya ayaa loo baahan yahay iyo weliba caadiyan baaritaan ultrasound ah oo lagu samaynayo qiimeyn gabagabo ah. Mararka qaarkood waxaa laga yaabaa in loo baahdo biopsy inkastoo laga yaabo in loo baahdo markii la samaynayo qalliin kansar oo aan weyneyn, inkastoo arintaasi dhifdhif in ay tahay laga yaabo.
• Baaritaanka mammography laguma ogaan karo dhammaan burooyinka kansarka qaba – qaar ayaa waxay ka soo baxaan dhexda baaritaan mammogram oo wax kansar ah aan lagu ogaan iyo baaritaan kale oo mammogram ah oo xiga oo la qorsheeyay. Sababtu waxaa weeye in buradu ay aad u korto ama aysan soo saarin wax daliilo ah oo geyru caadi ah oo laga ogaanayo sawirada mammography-ga dushooda.
• Baaritaanada mammograms-ka waxaa lagu ogaan karaa kansarka naasaha oo marxalad hore ah. Waxaan laga yaabin in isbadaladaan hore ay isu badali doonaan “kansar halis ah”. Isticmaalka baaritaanka mammography wuxuu sare u qaadaa in la ogaado hilib soo baxay oo aan caadi ahayn ama kansar marxalad hore ah oo marna aan laga yaabin inuu isu badalo ”kansar halis ah”.
• Markii bukaanado ay marayaan baaritaan mammogramka, waxaa lagu soo daayaa shucaac aan aad u badnayn. Tan waxaa laga in loo bar bar dhigo ilayska qeybta dambe , kaasoo qof walba ka haleela hawada, dhulka iyo shucaaca radioactivity-ga jirka qofka baniaadmiga ah in kabadan muddo laba bilood ah. Marka loo eego Hayada Badbaadada Shucaaca Sweden, halista ka timaado dhaawaca shucaacu geysto waxaa lagu ogaan karaa baaritaano isdaba joog ah iyo waliba kuwo la soo celceliyo. Marka naaska la cadaadiyo, raajadu waxay yeelanaysaa waddo intii hore ka gaaban oo naaska dhexdiisa ah, taasoo soo yereysa inta shucaac ah oo loo baahan yahay.
Udirida Bukaanka Baaritaanka Mammography
Baaritaanada mammography-ga ee ka baxsan baaritaanada caadiga ah waxay dhacaan markii dhaqtar uu bukaaka u diro. Dhammaan isbadalada naasaha waa in loo qaato wax weyn lana baaro. Hadii aad dareento isbadal naasaha ah, waa inaad la xiriirto xarunta caafimaad ee kuugu dhow ee dagmadada ama isbitaal loogu tala galay naasaha.
Tusaalooyinka isbadalka ku yimaada naasaha:
• Buro cusub oo naasaha ka soo baxda ama isbedel laga dareemo kuuska naasaha.
• God yar oo maqaarka ama caarada naaska kuyaala.
• Dhacaan dhiig ah ama dhacaan cad oo naaska caaradiisa ka soo baxa.
Natiijooyinka baaritaanka waxaa loo diraa dhaqtar kaasoo warqad sii gudbin ah u qora.
Sidee ayuu caam u yahay kansarka naasaha?
Waxaa dabiici ah cabsida laga qabo ogaanshaha kansarka. Sweden gudaheeda, qiyaastii 7 000 oo marxaladood oo ah kansarka naasaha kuwaasoo dhaqaatiirtu ay dadka kusoo sheegaan sanad walba. Arintan ayaa waxay ka dhigtaa kansarka naasaha kansarka ugu badan ee laga helo dumarka. Ku dhawaad mid ka mid ah sagaal walba oo dumar ah waxaa saameeya kansarka naasaha inta ay nooshahay.
Sida aad adigu u baari karto naasahaaga
Burooyinku waxay mararka qaarkood u samaysmaan si dhaqso ah. Tani waa sababta aad ugu baahan tahay inaad la timaado dabeecad aad mar walba adigu ku baareyso naasahaaga. Waxaa ugu habboon in baaritaankaas la sameeyo bishiiba mar. Qof walba oo iska shakiya ama ogaada in buro naaska uga taalo waa inuu la xiriiro dhaqtar. Waxaa muhiim ah in aad hesho cawimaad kusaabsan go’aanka aad ka qaadanayso nooca isbadalka aad dareento. Isbadalada naasaha kuyimaada oo dhan maahan kansar. Burooyinka naasaha badanaa maahan kansar laakiin waa wax u muuqaal eg (kansar).